Madaxda Wajeer oo ka shiray la dagaalanka argagixisada

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamulka Wajeer iyo xubnaha guddiyada ammaanka iyo sirdoonka ayaa yeeshay kulan ay kaga arrinsanayeen ka hor tagga iyo la dagaalanka falalka argagixiso ee wax u dhimo xasiloonida.
Kulanka ayaa ka dhacay hooyga mas’uulka Wajeer ku matalo dowladda dhexe.
Barasaabka dowlad deegaanka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud ayaa bartiisa rasmiga ee Facebook-ga waxaa uu soo dhigay qodobbada ay mas’uliyiinta ku heshiiyeen oo gaaraya ilaa 18.
1. In la aqoonsado shakhsiyaadka looga shakiyo inay Al-Shabaab xubno ka yihiin ,qaraabadooda iyo dadka beer jilleeca u muujiya.
2. Saraakiisha ammaanka iyo booliska qaran ee keydka in iyagoo lugeynaya ay maleeshiyada uga daba tagaan duurka.
3. In la xoojiyo barnaamijka Nyumba Kumi ee ay xaafadaha dariska ah isaga war qabaan si gacanta loogu dhigo qof kasta oo aan la garan ama halkaas ku cusub.
4.In la diiwaangeliyo qoryaha sharci darrada ee ku jiro gacanta xoolo dhaqatada sido kalena lala yimaado istaraatiijiyad lagu aqoonsanaya dadka sumcadda wanaagsan ee gacan ka gaysan karo dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.
5. Dadweynaha in wacyigelin loo sameeyo oo fursad loo siiyo soo gudbin macluumaadka ay hayaan ee dhanka sirdoonka ah ama waxyaabaha ay ka shakiyaan.
6. In qof kasta oo laga shakiyo ama aan la garaneyn lagu war geliyo saraakiisha ammaanka.
7. Dhammaan madaxda inay ogaadaan dhaqdhaqaayada sharci darrada ama kuwa lagu tuhmayo Al- Shabaab ee deegaanadooda ka jiro.
8.Xubnaha hannaanka isku dubarida ee dowladda dhexe sida ku xigeenada jiifafka ama guddoomiye xaafadeedyada ilaa iyo ku xigeenada guddoomiyaasha ee deegaanada inay mar kasta ku sugnaadaan meelaha ay ka shaqeeyaan.
9. In la wanaajiyo kalsoonida ka dhaxaysa shacabka iyo ciidamada ammaanka si loo helo xog run ah oo la isku haleyn karo.
10. Laamaha ammaanka iyo qaadaan tallaabooyin iyo falcelin degdeg ah marka warbixin loo soo gudbiyo.
11. In dhibaatada Al -Shabaab si cad looga hadlo iyadoo aan laga cabsaneyn in qofka la dabagalo ama hadalkiisa loo qabto.
12. In laga fogaado waxyaabaha si fudud kala qeybsanaanta ku keeni karo sida qabyaaladda , siyaasadda iyo kala duwanaanshaha diimeed si argagixisada aynan waddo ugu furmin.
13. Laamaha ammaanka in la siiyo hubka noocyadiisa casriga iyo qalabka ay u baahan yihiin ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ay u adeegsan karaan.
14. In dhiirigelin loo sameeyo ama laga farxiyo saraakiisha booliska keydka ama NPR iyo muwaadin kasta oo falalka Al -Shabaab ka hor tago.
15. Culimaaudiinka inay shacabka la wadaagaan oo ayna u caddeeyaan waxa diinta islaamka ay ka qabto dilka bani’aadanka.
16. Saraakiisha ammaanka inay ilaaliyaan oo aynan dusin xogta ama macluumaadka iyo sido kale qofkii u soo sheegay.
17. In la wanaajiyo qaabka loo wadaago arrimaha sirdoonka iyadoo si qoto dheer loo eegaya warbixinta la soo gudbiyo iyo in saraakiisha sirdoonka oo badan ay ka howlgalaan deegaanada.
18. In madaxda ay ka go’an tahay in mudnaanta koowaad la siiyo sidii kheyraadka la haysto loogu adeegsan lahaa la dagaalanka Al Shabaab.
Shalay ayay ahayd markii sido kale kulan lagu qabtay ismaamulka Mandera laga soo saaray war murtiyeed ka kooban qoddobo dhowr ah.
Barasaabka dowlad deegaanka Mandera Cali Ibrahim Roba ayaa sheegay in madaxda iyo shacabka oo dareensan waxyaabaha ay dani ugu jirto , horumarka ay u baahan yihiin iyo khatarta argagixisada , xagjirnimada , dagaal beeleedyada iyo saboolnimada ay kulan isugu tageen.
Kulanka oo xal loogu raadinayay caqabadda dhanka argagixisada ayaa waxaa ka soo baxay qodobbadan sida Cali Roba uu shaaciyay.
1.Bulshada waa inay sii waddo inay saraakiisha ammaanka la wadaagto macluumaadka sirdoonka ee lagu tallaaba qaadi karo.
2. Ciidamada ammaanka inay si degdeg ah falcelin u sameeyaan ama tallaabo u qaadaan markii warbixin lala wadaago.
3. In la xoojiyo ololaha dhanka maskaxda iyo qalbiga si looga badbaado in Al-Shaab ay dad hor leh shaqaaleysiiso.
4. Waxaa la doonaya dadaalo lagu soo dhisaya xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya shacabka iyo laamaha ammaanka.
5. In kulamada la qabanaya loo daadajiyo deegaan baarlamaaneedyada iyo deegaanada hoose ama Wards.
6. Waxaa sido kale go’aan lagu gaaray in bulshada Mandera ay iska celiso Al-Shabaab qaab kasta oo la adeegsado iyadoo la xoojinaya nidaamka ay shacabka uga shaqeeyaan ammaanka ee community policing iyo Nyumba kumi.
7. In la dhaqangeliyo qorsho howleeda ismaamulka Mandera ee loo yaqaano County Action plan iyadoo la kaashanaya saaxiibbada iyo daneeyasha.
8. In la taageero dhisidda qeyb gaar ah oo booliska keydka qaran oo loo xilsaaraya la dagaalanka Al-Shabaab.
9. In xilli hore dugsiyada lagu soo bandhigo ama manjahka ay qeyb ka noqoto la dagaalanka argagixisada si ay uga dhalato waddaniyad iyo dareen qaranimo.
10. In la badiyo ciidamada aan dareeska ku labisneyn ama dhar cadda loo yaqaano ee sirdoonka si ay bulshada qeyb uga noqdaan.
11. Sido kale waxaa loo baahan yahay ciidamo dheeraad oo kuwa keydka gaar ahaan meelaha aynan joogin ama ay ku yaryihiin.
12. In si dhameystiran loo qalabeeyo saraakiisha qaran ee keydka ee NPR .
13. In aqoonta la xiriirta la dagaalanka argagixisada ee CVE la gaarsiiyo deegaanada iyo tuulooyinka sido kalena sare loo qaado ololaha maskaxeed iyo kan qalbiyeed .
14. In xal loo helo shaqa la’aanta sarreysa ee dhalinyarada oo lagu tilmaamay bambo qarxi rabto oo kale.
15. In la codsado in ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta la geeyo xuduudda si ay amniga u sugaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here