Madaxda waqooyiga Rift Valley oo cambaareeyay iskudhacyada saameeya xuduudaha ismaamullada

Xubnaha ka tirsan daladda dhaqaale ee waqooyiga gobolka Rift Valley ee (NOREB) ayaa cambaareeyay dagaallo ku soo noqnoqday xuduudda ismaamullada Baringo, Elgeyo Marakwet, galbeedka Pokot iyo Turkana .
Xilli ay mas’uuliyiintan ka qayb galeen kulan ka dhacay dugsiga dowladda ee KSG laantiisa Baringo ayay wacad ku mareen inay soo afjari doonaan dagaallada salka ku haya dhaca xoolaha.
Madaxdan waxaa ka mid ah barasaabka Baringo Stanley Kiptis ,John Lonyangapuo (West Pokot), Josphat Nanok (Turkana), Jackson Mandago (Uasin Gishu), guddoomiye ku xigeenka Elgeyo Marakwet Wesley Rotich , xildhibaano , wakiillada golayaasha hoose iyo taliyayaasha ammaanka.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley George Natembeya ayaa dhankiisa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii ay xal waara ugu heli lahayd dhaca xoolaha.
Mr.Natembeya ayaa sheegay in madaxdu ay ku heshiiyeen in si wadajir ah loo qabto kulamo iyo socdaal nabadeed oo joogto ah ilaa iyo inta khilaafka uu ka dhammaanaya.
Deegaanka Kapedo ee ismaamulka Turkana ayaa 14-ka bishan lagu qaban doonaa shir diiradda lagu saaraya xoojinta amniga si sare loogu qaado isdhexgalka bulshada.
Barasaabka ismaamulka Uasin Gishu ahna guddoomiyaha NOREB Jackson Mandago ayaa hoggaamiyaasha ugu baaqay in ay ku dadalaan arrimaha nabadgalyada, dhaqaalaha iyo wanaajinta nolosha shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here