Madaxda xisbiyada ANC iyo ODM oo baaq u diray shacabka

Hoggaamiyaasha xisbiyada siyaasadeed ee ANC iyo ODM ee kala ah Musalia Mudavadi iyo Raila Odinga ayaa muwaadiniinta dalka ku booriyay inay si buuxda ugu hoggaansamaan amarrada iyo talooyinka ay Dowladda soo saartay si loo xaqiijiyo in cudurka Covid-19 uunan wadanka ku sii fidin.
Waxay labaduba sheegeen in shacabka iyo Dowladda oo si dhow u wada shaqeeyo ay horseedi karto in lagu guulaysto la tacaalidda cudurka.
Musalia Mudavadi ayaa dhanka kale Dowladda Shiinaha ugu baaqay inay guda gasho in Kenya ay ka cafiso deymaha ay ku leedahay.
Mr.Raila Odinga ayaa dhankiisa ku nuuxnuuxsaday in si gaar ah loo tixgeliyo dhaqashada gacmaha iyo inaan aad la isugu dhawaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here