Madaxda Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Golaha shacabka oo Kulmay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa kulan la yeeshay hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran gaar ahaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen, sidii loo maarayn lahaa xaaladda kala guurka ah ee Dalku marayo iyo qabsoomidda Doorasho ku dhacda waqtigeeda loona dhan yahay.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisiyada qaran ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulankan uu ka duwanaa kulamadii hore,isla markaana Guddoonka Golaha Shacabku sheegeen inaysan mataleyn, kana socon hey’ad ka baxsan hey’adda ay Guddoonka u yihiin ee Golaha Shacabka, Waxaana Madashu gaarsiisay labadda masuul mawqifkeeda ku aadan doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhacaysa.
Wuxuu Guddoonku sheegay in lama huraan ay tahay in xilligan adag ee kala guurka ah ay diyaar u yihiin in Waddanka xasilloonidiisa laga shaqeeyo laguna dadaalo sidii doorashada loogu qaban lahaa waqtigeeda.
Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa isku raacay in laga fogaado in Dalku galo marxalad degenaansho la’aan ah maadaama uu gabaabsi yahay waqtigii Hey’adaha Dastuuriga ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana hoggaanka Madasha Xixsbiyada Qaran u caddeeyey Guddoonka Golaha Shacabka inaan la aqbali karin muddo korosi, lama huraanna ay tahay in Doorashada lagu aado waqtigeeda.
Muddo xileedkii Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku muddaysnaa Afar sano wuxuu marayaa xilli Gabogabo ah, waxaana la joogaa xilligii Doorashada loo diyaar garoobi lahaa, umana muuqato in hoggaanka talada Dalka hayaa uu diyaar u yahay sidii doorashadu wakhtigeedii ugu dhici lahayd, sidaa darteed Madasha Xisbiyada Qaran waxay cid kasta oo danaynaysa inay Doorashadu ku dhacdo waqtigeedii kala shaqaynaysaa qaabkii ay ku suuro geli lahayd, taas oo looga golleeyahay inaan Dalku gelin firaaq Dastuuri ah ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Madasha Xisbiyada.
Sidoo kale Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa waxaay sheegeen inay u arkaan lama huraan in Doorasho laysla oggol yahay, heshiis lagu yahay, laguna qabto waqtigii loogu tala galay ay tahay dariiqa kaliya ee looga baaqsan karo qalalaase siyaasadeed oo aan marxalladan la joogo Dalku xammili karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here