Madaxii Al-shabab ee degmada buulo-Burte oo la dilay

Sida ay Baahisay warbaahinta gudaha Soomaaliya waxaa dagaal ka dhacay Deegaan lagu Magacaabo Beera-yabaal oo ku yaala duleedka degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan lagu dilay Madixii Al-shabaab ee degmada Buulo-burte u qaabilsanaa kaasoo Magaciisa lagu sheegay Nuur Afweyne.
Taliyaha Kooxda Macawisleyda oo deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan Al-shabaab dagaalo kula gala ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen fariisin ay shabaabku ku la haayeen deegaanka Beera-yabaal oo u dhaw Buulo-Burte wuxuuna Tilmamaay inay hogaamiyahaas ku dileen.
Arintaan ayaana imaanaysa ayadoo bil ka hor dagaal dhex maray Maleeshiyaadka Macawislayda iyo ururka AL-shabaab oo ka dhacay deegaanka Ceel Cali ee gobolka hiiraan ay Macawislaydu ku dileen Maamulihii hore ee AL-shabaab u qaabilsanaa deegaanka Ceel-Cali ayadooo dhanka kalena ay Xusid mudun tahay in shaqsigii kale ee lagu Badalay ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya qaybtooda 27-aad ay ku dileen deegaankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here