Madaxii hore ee fulinta ee guddiga IEBC oo dacwad wajahaya

Maxkamad ku taalla Nairobi ayaa sheegtay in madaxii hore ee fulinta ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC James Oswago laga doonayo inuu ka jawaabo eedeymo loo soo jeediyay oo ku aaddan lunsasho lacageed.
Waxaa uu wajahayaa dacwad la xiriirta qaabkii lagu bixiyay qandaraaskii sannadkii 2013-kii lagu soo iibiyay qalab lagu aqoonsanayay codbixiyayaasha.
Fadeexadda arrinkaas ka dhalatay ayaa la rumeysan yahay in lagu lunsaday dhaqaale ah in ka badan 1.3 bilyan.
Mas’uulkan ayaa loo haystaa inuunan xilligaas xaqiijin u hoggaansanka sharciga u degsan soo iibsashada qalabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here