Madaxii hore ee fulinta guddiga IEBC oo dacwad cabasho ah gudbiyay

Madaxii hore ee fulinta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka (IEBC) Mr. Ezra Chiloba ayaa maxkamadda shaqaalaha waxaa uu u gudbiyay dacwad cabasho ah.
Waxaa uu ku doodayaa in shaqadii uu ka hayay IEBC si aan habbooneyn looga eryay.
Mr. Chiloba ayaa dacwaddan geeyay isagoo ay wakiil ka yihiin qareenada ka howlgalo shirkadda bixisa adeegyada sharciga ee Wandabwa Advocates.
Mas’uulkan hore ayaa hadda dalbanaya in la siiyo ugu yaraan 52.5 milyan oo shilin oo magdhow ah.
12-kii bishii Tobnaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii shaqada laga ceyriyay madaxii fulinta ee IEBC Mr. Ezra Chiloba kaddib markii lala xariiriyay dembiyo ku aaddan soo iibsashada qalabka.
Waxaa cabashadiisa qeyb ka ah in lagula kacay fal sharci darro ah , aan caddaalad ahayn, loo fiirsan sido kalena wax qiil ah aan loo raadsan Karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here