Madaxii hore ee Interpol oo 13 sano la xiray

Maxkamad ku taalla dalka Shiinaya ayaa maanta xukun 13 sano iyo 6 bilood ah ku ridday madaxii hore ee hay’adda booliska caalamiga ee Interpol Meng Hongwei.
Mas’uulkan ayaa lagu eedeyay inuu laaluush qaatay.
Maxkamadda Tianjin ayaa sido kale Meng oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dalkaasi ganaax saartay.
Waxaa lagu ganaaxay 2 milyan oo ah lacagta yuan oo u dhiganta 290,000 oo doolar.
Meng ayaa madaxa Interpol loo doortay sannadkii 2016 hasa ahaate waxaa uunan dhameysan muddo xileedkiisa oo ahaa afar sano kaddib markii dabayaaqadii sannadkii 2018-kii uu tagay Shiinaha isagoo ka baxay Faransiiska.
Bayaan ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in Meng Hongwei uu runta sheegay maadaama uu qirtay dhammaan eedeymihii lo soo jeediyay sidaasi awgeedna wax racfaan ah uunan qaadan doonin.
Maxkamadda ayaa intaas ku dartay in ninkan oo 66 sano jir ah uu qirtay inuu awoodiisa ku takriifalay xilli uu ogolaaday in la siiyo lacag laaluush oo dhan 14.4 milyan oo yuan una dhiganta 2.1 milyan oo doolar.
Lacagtan ayaa la sheegay inuu qaatay xilli uu jagooyin kala duwan hayay sida ku xigeenka wasiirka amniga dadweynaha iyo madaxa ciidamada ilaaliya badaha.
Intii uu ahaa madaxa Interpol , mas’uulkan ayaa sido kale hayay xilka wasiir ku xigeenka amniga dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here