Madaxii isgaarsiinta ee safaricom oo aas loo sameyn doono maanta

Madaxii isgaarsiinta ee Safaricom Bob Collymore oo shalay subax geeriyooday ayaa laa aasi doonaa maanta oo talaado ah.
Aaska mas’uulkan hore ayaa noqonaya mid khaas ah oo loogu talagalay inay ka soo qeyb galaan qoyska iyo saaxiibada isaga aadka ay isugu dhawaayeen oo keliya.
Mr. Collymore ayaa isagoo 61 sano jir ah ayaa shalay ku dhintay magaaladatani Nairobi kaddib muddo sanado ah uu uu la xanuunsanaa cudurka Kansarka.
Mas’uuliyiinta dalka ayaa tacsi u diray qoyska , ehelada iyo asxaabta madaxii fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom .
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo ka tacsiyadeeyay geerida madaxii fulinta ee Safaricom ayaa sido kale sheegay inuu xubin ka ahaa guddiga loo saaray inuu ka shaqeeyo sidii looga dhabeyn lahaa hiigsiga horumarineed ee sannadka 2030-ka .
Shirkadda Safaricom ayaa dhankeeda bayaan ay soo saartay ku sheegtay in mas’uulkan uu bishii Tobnaad ee sannadkii 2017-kii Ingiriiska u tagay inuu iska soo daweeyo nooca kansarka ee ku dhaca dhigga ee loo yaqaano AML isagoo wadanka dib ugu soo laabtay bishii toddobaad ee sannadkii hore.
Guddoomiyaha shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Nicholas Nganga oo ka tacsiyeeyay geerida Mr. Bob ayaa sheegay in toddobaadyadii ugu dambeeyay xaaladdiisa caafimaad ay sii darsatay.
Mr. Nganga ayaa s ido kale macaamiisha shirkadda iyo guud ahaan Kenyaanka u xaqiijiyay in howlaha Safaricom ay sidii caadiga ahayd ku sii soconayaan.
Mr. Bob ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay lagu daaweynayay isbitaalka Aga Khan ee magaaladatani Nairobi waxaa uuna xilka madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom hayay tan iyo sannadkii 2010-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here