Madaxii isgaarsiinta ee safaricom oo aas loo sameyn doono talaadada

Madaxii isgaarsiinta ee Safaricom Bob Collymore oo saaka geeriyooday ayaa laa aasi doonaa Talaadada isagoona sida la sheegay loo qaban doono xaflad gaar ah oo loogu talagalay qoyska iyo saaxiibada isaga aadka ay isugu dhawaayeen.
Mr. Collymore ayaa isagoo 61 sano jir ah saacadihii hore ee saaka ku dhintay magaaladatani Nairobi kaddib muddo sanado ah uu uu la xanuunsanaa cudurka Kansarka.
Mas’uuliyiinta dalka ayaa tacsi u diray qoyska , ehelada iyo asxaabta madaxii fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom .
Mr. Kenyatta ayaa intaasi ku daray in Mr Collymore uu sido kale xubin ka ahaa guddiga loo saaray inuu ka shaqeeyo sidii looga dhabeyn lahaa hiigsiga horumarineed ee sannadka 2030-ka .
Madaxa mucaaradka Nasa Raila Odinga , madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi , barasaabka Mombasa Cali Xassan Joho, dhigiisa Nairobi Mike Sonko, xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee Ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye,xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Macharia Kamau iyo wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda Dr. Monica Juma ayaa dhammaan diray tacsi la mid ah tan madaxweynaha.
Aadan Keynaan ayaa hoosta ka xarriiqay in la joogo xilligii Kenya ay maalgelin ballaaran ku sameyn lahayd adeegyada caafimaadka si wax weyn looga qabto cudurka Kansarka ee galaaftay noolosha dad badan.
‏Shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways ayaa sido kale qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitarka ku sheegtay in qof lagu daydo uu ka baxay waaxda ganacsiga gaar ahaan shirkadaha isgaarsiinta.
Sikastaba ahaate Mr. Collymore ayaa aduunka Waxaa uu ka tagay xaaskiisa iyo afar carruur ah oo uu dhalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here