Madaxii Safaricom ee geeriyooday oo baroordiiq loo sameyey

Waxaa xarun diimeedka All saints Cathedral ee magaaladatani Nairobi weli ka socoto munaasabad baroordiiq ah oo loo sameynayo madaxii fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee safaricom Bob Collymore oo maalmo ka hor geeriyooday.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.
Mas’uuliyiinta iyo xubnaha qoyska ee ilaa iyo hadda goobta ka hadlay ayaa ammaanay waxqabadkii Mr. Collymore.
Waxaa ay sheegeen inuu kaalin weyn ka qaatay horumarka shirkaddii uu madaxa ka ahaa tan iyo sannadkii 2010-kii isagoo ka dhigay mid wax weyn ku biirisay kobaca dhaqaalaha dalka.
Bob Collymore ayaa sido kale lagu tilmaamay inuu ahaa qof jecel dhexgalka bulshada oo aan dadka xaqirin.
Dhanka kale waxaa maanta xiran dukaamada iyo xarumaha shirkadda ee ku yaalla guud ahaan dalka.
Bayaan ay Safaricom soo saartay saacado ka hor ayaa lagu sheegay in goobahan ay xirnanayaan laga billaabo 10:30 barqanimo ee saaka ilaa 2:30 galabnimo ee maanta.
Meydka Mr. Bob ayaa 2-dii bishan lagu gubay xaafadda Kariokor ee Nairobi hal maalin un kaddib markii uu u dhintay cudurka Kansarka oo in muddo ah uu la xanuunsanaa.
Noolosha mas’uulkan hore oo 61 sano jir ahaa ayaa waxaa galaaftay jooca kansarka ee ku dhaca dhiigga ee loo yaqaano AML.
Mr.Collymore ayaa waxaa uu dunida uga tagay xaaskiisa iyo afar carruur ah oo uu dhalay.
Xaaska Mr. Collymore Mrs. Wambui Kamiru Collymore ayaa qoraal ay soo dhigtay baraha bulshada ku sheegtay inay si weyn ugu riyaaqday qaabka ay Kenyaanka u garab istaageen , ugu tacsiyeeyeen oo ayna murugada ula qeybsadeen.
Waxay munaasabadda baroordiiqa ee hadda socoto ka sheegtay in Bob Collymore uu noqday shakshi ay noolosheeda tabi doonto.
Xilkii uu hayay Bob Collymore oo shirkadda Safaricom madax ka ahaa tan iyo sannadkii 2010-kii ayaa waxaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay Michael Joseph oo horay shirkadda madax uga soo noqday.
Xoghayaha shirkadda Safaricom Kathryne Maundu ayaa sheegtay inay raja weyn ka qabaan in Mr. Michael Joseph oo aqoon iyo waaya aragnimo xeel dheer leh uu sii wado shaqadii uu hayay mas’uulka geeriyooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here