Madaxtooyada dalka oo beenisay in Jubilee ay kala qeybsan tahay

Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa shaaca ka qaadday inaynan kala qeybsanaan ka dhex jirin mas’uuliyiinta ugu sarreeya ee maamulka wadanka hoggaamiyo ee Jubilee,madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.
Dhawaan ayay ahayd markii Mr. Kenyatta uu digniin adag u diray siyaasiyiinta ku mashquulsan arrimo siyasadeed oo ay ka mid tahay ololaha ku aaddan doorashada guud ee sannadka 2022-ka.
Digniinta madaxweynaha ayay mas’uuliyiinta iyo aqoonyahaanada qaar u fasireen inay ahayd mid lagu bartilmaameedsanayay ku xigeenkiisa William Ruto.
Garabka mucaaradka ee dalka ayaa marar badan ku xigeenka hoggaamiyaha dalka ku eedeyay inuu xilli hore guda galay olole ku aaddan hamigiisa ah inuu sannado kaddib talada kala wareego Uhuru in kastoo uu taasi iska fogeeyay.
Afhayeenka madaxtooyada dalka Mrs. Kanze Dena-Mararo ayaa carrabka ku dhufatay in kala qeybsanaan iyo Isfahan darro aynan u dhexeynin labadan mas’uul.
Waxay intaasi ku dartay in madaxweynaha dalka uu fariin guud u dirayay cid waliba oo la soo doortay oo aan u adeegeynin shacabka.
Sido kale Mrs. Kanze ayaa warar aan xaqiiqda ku saleysnayn ku tilmaantay inaynan sidii hore isugu dhaween Mr. Kenyatta iyo William Ruto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here