Madaxtooyada dalka oo faahfaahisay sababta dib loogu dhigay shir qorsheysnaa

Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Kanze Dena Mararo ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in sababta dib loogu dhigay shir lagu waday inuu berri qabsoomo ay tahay in madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta uu tixgeliyay codsi kaga yimid hoggaamiyaasha ismaamullada.
Kulankan ayaa ah midkii shanaad oo dhex maraya dowladda dhexe iyo dowlad deegaanada.
Waxaa shirka lagu tilmaamay mid aan caadi ahayn oo dib u eegis loogu sameynaya wax ka qabashada cudurka COVID19 kaddib markii kiisaska la xiriira ay sii kordheen.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in madaxweynaha iyo barasaabyada ay kulmaan 24-ka bishan balse maalinka isniinta ee 27-ka bishan ayuu shirka qabsoomi doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here