Madaxtooyada dalka oo ka hadashay wiil arday ah oo la toogtay

Afhayeenka madaxtooyada dalka Mrs. Kanze Dena Mararo ayaa qoraal ay soo dhigtay barta Facebook-ga waxay ku sheegtay in ciidamada ilaalinaya madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ay toogteen wiil 25 sano jir ah.
Wiilkan ayaa magaciisu lagu sheegay Brian Kibet Bera wuxuuna ka mid ahaa ardayda dhigata jaamacadda Jomo Kenyatta ee (JKUAT).
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Facebook-ga madaxtooyada dalka ayaa muujinaya in shalay wiilkani lagu xiray xaruntaasi kaddib markii lagu eedeyay inuu isku dayay inuu gudaha u galo isagoo aan wax oggolaansho haysan.
Mrs. Dena ayaa intaasi ku dartay in ardayga uu dhaawaca ka soo gaaray dhinaca garabka bidix uu koray darbiga madaxtooyada hallkaasi oo ay ciidamadu ku toogteen kaddib markii uu mindi la soo baxay maadaama lagu amray inuu dib u noqdo.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay saacaddu marka ay ahayd abaare 4-tii galabnimo iyo qaddar shan daqiiqo ee shalay .
Waxaa ugu horeyn la geeyay saldhigga booliska ee Kileleshwa ka hor inta aan loo sii qaadin isbitaalka weyn ee Kenyatta si looga daaweeyo dhaawaca soo gaaray.
Baaritaanada dhacdadan ku aaddan ayaa weli socdo waxayna saraakiisha ammaanka ku howlanyihiin inay ogadaan sababta Brian Kibet Bera ku dhalisay inuu tallaabadaasi qaado.
Mrs. Dena ayaa dadweynaha ku wargelisay in madaxtooyada dalka ay sharci ahaan ka mid tahay goobaha sida weyn loo ilaaliyo sidaasi awgeedna aynan jirin cid loo ogolyahay inay tagto ama gudaha u gasho iyadoo aan loo fasaxin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here