Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadashay kulankii dhexmaray madaxweynaha iyo Hogaanka Ahlusuna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaddib markii uu magaalada Dhuusamareeb kusoo xiray wajiga koowaad ee Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta beelaha daga deegaanada maamulka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa ka hor inta uusan ka soo amba-bixin magaalada Dhuusamareeb, wuxuu halkaas kulan gaar ah kula yeeshay hoggaanka Ahlu Sunna, isagoo ku ammaanay doorka ku aadan dadaalada ka socda deegaanada maamulka Galmudug.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulankaan la qaatay Sheekh Maxamed Shaakir,Macalin Maxamuud iyo Sheekh Cabdirisaaq wuxuuna la wadaagay muhiimadda ay u leedahay aragtidoodu ku aadan dhismaha Galmudug mideysan, horumarsan oo ka tarjumeysa aqoonta iyo kartida dadka deegaanka Galmudug.
Dhankooda, Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa la sheegay inay Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey tan iyo markii uu xilka qabtay, xal u helista khilaafyadii kala duwanaa ee ka jiray deegaanada maamulka Galmudug, waxayna soo bandhigeen rajadooda ku aaddan hana qaadka maamulka Galmudug.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay Taliyeyaasha Ciidamada dhawaan la qarameeyey ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna u sheegay in dowladdu dhexe ee Soomaaliya ay xoogga saartay xaqiijinta xuquuqdooda Ciidannimo iyo tayeyntooda, isagoona ku dhiirri geliyey go’aankooda ku saleysan Qarannimada iyo inay u istaageen difaaca dalkooda.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya oo la kulmay Xubnaha Guddiga Dib-u-Heshiisiinta Galmudug ayaa tilmaamay in shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliyeed ay u garoowsan yihiin dadaalka mugga weyn ee ay la yimaadeen tan iyo maalintii la magacaabay, kaasoo horseeday in laga gudbo caqabado waaweyn oo hortaagnaa midnimada, horumarka iyo dowladnimada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here