Madaxtooyada Soomaaliya oo sheegtay inay wadahadleen Hogamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Warsaxaafadeed lagu daabacay Bogga Rasmiga Facebooga Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka ku dhexmaray wada hadal ayna isla garteen ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.
Warkaan ayaa lagu sheegau in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ay isla adkeeyeen in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here