Madaxwaynihii dalka Mali oo is casilay

Madaxweynaha dalka Mali Ibraahim Boubacar Keita ayaa xalay saqdi dhexe ku dhawaaqay inuu is casilay.
Mr Keita ayaa is casilaadiisa laga sii daayay telefishanka qaranka ee dalkaasi.
Waxaa uu sheegay inuusan dooneyn in dhiig daato oo uu go’aan saday in uusan awooda sii hayn.
Waxaa uu shaaca ka qaaday in la kala diray maamulkii uu hoggaaminayay iyo sidoo kale baarlamaanka.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa saacado uun ka dib markii isaga iyo rai’sul wasaarihi dalkaasi Boubou Cissé la xiray islamarkana la geeyay saldhig militari oo ku yaalla caasimadda Bamako.
Dhanka kale militeriga awoodda la wareegay ayaa sheegay inay ku dadaalayaan xasilinta dalkaasi iyo in waqti kooban doorasho ku dhacdo.
Urur-goboleedka ECOWAS ayaa arrinkan cambaareeyay isagoona ku dhawaaqay in la xiro xudduudaha dalkaas wuxuuna joojiyay ilihii dhaqaale.
Dalal badan oo gobolka ka mid ah iyo Faransiiska ayaa falkaan cambareeyay .
Toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaa dibad-baxyo xooggan ay ka socdeen Mali waxaana lagu dalbanayay in uu iscasilo Madaxweynaha xalay ku dhawaaqay inuu xafiiska baneeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here