Madaxweeynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida Cali Khaliif Galeyr

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo,guddoomiyaha golaha shacabka ee barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ,guddoomiyaha golaha aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya Cabdi xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul wasaaraha dalkaasi Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta leh ee ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Allaha ha naxariistee Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jig jiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Madaxweynaha Soomaaliya oo khadka Taleefanka kula xiriiray Marwada Marxuumka Maryan Cabdi Biixi ayaa xusay doorkii uu ka geystay dowladnimada iyo horumarka dalka, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada uu u qabay Soomaaliya horumarsan oo la jaan qaadi karta dalalka kale ee caalamka.
“Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxa uu door muuqda kaga jiraa sooyaalka dalkeenna. Waxa uu noqday Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd ee lagu soo dhisay Carta iyo xilal kale oo uu ugu soo adeegay dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed si hufan, waddaniyad iyo daacadnimo leh”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in la magacaabo Guddi Qaran oo ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo Marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here