Madaxweyna Galmudug oo ciidamo la kulmay

Madaxweynaha Cusub ee maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor Qoor) iyo Xubno kale ayaa maanta booqdey xarumaha Ciidamada kala duwan ee ka howlgala deegaanada maamulka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa ugu horeeyn booqdey xarunta ciidamada Xooga Dalka qeybta 21-aad,isagoo warbixin kaga dhageystey taliyayaasha Ciidamada, wuxuuna ciidamada kula dardaarmey inay dardargeliyaan howlaha ay u hayaan guud ahaan dalka iyo gaar ahaan shacabka deegaanada Galmudug.
Sidoo kale wuxuu booqday taliska ciidamada Haramcad ee Booliska,isagoo ku amaaney doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaateen sugida amniga xiligii doorashooyinka maamulka Galmudug, wuxuuna faray inay laba jibaaraan gudashada waajibaadkooda.
Axmed Cabdi Kariye (Qoor Qoor) madaxweynaha Cusub ee dhawaan loo doortay Maamulka Galmudug ayaa maalmahaan waxaa uu waday kulamo uu la qaadanayay Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ka howlgalla deegaannada Galmudug wuxuuna Maanta la kulmay saraakiisha Ciidamada Xoogga wallow, uusan weli la kulmin Madaxda kale ee kasoo horjeeda oo qaarkood ku sugan yihiin Magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here