Madaxweyna Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Digniin u Diray Askarta Dadka Shacabka ah Dilka u Gaysta

Kadib markii Gelinkii dambe ee shalay uu Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay dib ugu laabtay Madaxeynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafat-gareen ,ayaa waxaa uu ka Hadley Safarkiisa uu ugu Maqnaa dalka sucuudiga ,wuxuuna sheegey in safarkaan uu ka duwan yahay safaradii shaqo ee uu horay ugu aadi jirey dalkaas.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa sheegay in  Safarkan inuu u soo duceeyay Dhamaan Mas’uulyiinta shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wuxuuba sidoo kale Tilmaamay inay jiraan shaqsiyaad dano gaara leh  oo Baraha Bulshada u adeegsada dhibaatada iyo Bur burka Dowladda  kuwaasi oo uu sheegay inuu qudhooda u soo duceeyay intii uu ku sugnaa dhulka Barakaysan.

C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed ayaa wax  aan marnaba la aqbali Karin ku tilmaamey ,in Qof shacab ah oo aan wax galabsan la dilo,isagoo sheegay qofkii qof dila isna la dili doono wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay askarta ay shaqadoodu tahay inay shacabka ilaaliyana inay dhibaato u gaystaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here