Madaxweyna Xaaf oo laguw ado inuu Dhuusamareeb tago.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo safar dhinaca dhulka ah uga soo ambabaxay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa xalay ku hoydey Magalaada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.
Xaaf ayaa la flayaa in saacadaha soo socda ee Maanta ah uu tago Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug,waxaana la flayo inuu halkaas kula kulmo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).
Wararka la helayo ayaa sheegaya in munaasabad kooban Magaalada Dhuusamareeb dhawaan lagu qaban doono,taasoo uu xilka kula wareegayo Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug.
Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wada-hadallo dhinaca taleefoonka ah la galay Madax ka ttirsan dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug,sidoo kale uu Gaalkacyo kula kulmey Xildhibanao ka tirsan Golaha Shacabka,kuwaasoo ugu dambeyn ku qanciyey inuu tago Magaalada Dhuusamareeb si loo dhameeyo waxkasta oo Tabasho ah.
Madaxweyne Xaaf ayaa xalay waxaa uu la kulmey Odayaasha Dhaqanka Magaalada Gelinsoor,isagoo kala hadley arrimo dhowr ah.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa laga dareemayaa imaanshaha Xaaf oo muddo ku dhow sanad ka maqan,kadib markii ay is khilaafeen Hoggaankii Ahlusunna oo ay ka wada tirsanaayeen Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here