Madaxweynaha Afghanistan oo diiday in la siidaayo maxaabiista Taalibaan

Madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa maanta oo Axad ah gaashaanka u daruuray dalab uga yimid kooxda Taalibaan ee halkaas ka dagaalanto.
Dalabka ayaa ah in xabsiyada wadankaas laga siidaayo ilaa 5,000 oo maxaabiis ah oo laga qabtay.
Taalibaan ayaa dhawaan sheegtay si ay wada hadal ula gasho dowladda iyo shacabka Afghanistan inay dalbanayso in dagaalyahaanada ka xiran la siidaayo.
Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis dhexmaray Taalibaan iyo Maraykanka kaasoo lagu kala saxiixday Qatar.
Ashraf Ghani ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo aynan Taalibaan kula heshiin inay xuriyadooda dib u helaan 5,000 oo maxaabiista dowladda u xiran ka mid ah.
Dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxda ka soo horjeedda ee Taalibaan ayaa wadanka Afghanistan ka jiray in ka badan 18 sano ilaa iyo hadda lagama gaarin xal waara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here