Madaxweynaha Congo oo magacaabay qaar ka mid ah wasiiradiisa

Madaxweynaha dalka Congo Felix Tshisekedi iyo ra’iisul wasaarihiisa ayaa lagu soo warramayaa inay magacabeen qaar ka mid ah golaha wasiirada ee wadankaasi tan iyo markii labadan mas’uul ay xilka qabteen bishii 12-aad ee sannadkii hore.
Arrimahan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Illunga Illunkamba.
Wasiirka wasaaradda macdanta ayaa loo magacaabay Willy Samsoni, wasiirka maaliyadda waxaa laga dhigay Sele Yalaghuli oo horay u soo noqday agaasimaha guud ee waaxda canshuuraha ee dalkaasi.
Ngoy Mukena, oo ay aad isugu dhawayeen madaxweynihii hore, Joseph Kabila ayaa laga dhiga wasiirka gaashaandhigga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here