Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka oo maanta la dhaarinaya

Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta xilkiisa loo dhaariyo madaxweynaha cusub ee dalka Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa.
Guddiga doorashooyinka ee dalka Sri Lanka ayaa shalay ku dhawaaqay in natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtinnimo ee sabtidii ka dhacday wadankaasi uu ku guulaystay Rajapaksa oo horay u soo noqday taliyihii ciidamada difaaca.
Waxaa uu Rajapaksa helay boqolkiiba 52.25 ee codadkii la dhiibtay halka musharaxii loolanka adag uu kala dhexeyay Sajith Premadasa uu soo hooyay codad dhan boqolkiiba 41.99 .
Ninkan oo lagu xasuusto inuu kaalin weyn ka qaatay in laga adkaado kooxdii gooni u goosadka ahayd ee Tamil ayaa ballanqaaday inuu shacabka si siman ugu adeegi doono iyadoo aan la eegeynin qabiil ama kala duwanaansha diimeed..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here