Madaxweynaha dalka Belarus oo xirayo xadka dalkaasi uu la wadaago dalalka Poland iyo Lithuania

Madaxweynaha dalka Belarus Alexander Lukashenko ayaa ku dhawaaqay inuu heegan gelinayo ciidamada isla markaana xidhayo xuduudaha dalkaasi uu la wadaago dalalka Poland iyo Lithuania.
Arrintan ayaa timid kaddib markii ay sii xoogeysteen dibadbayada dalka Belarus ee looga so horjeedo maamulkiisa.
Lukashenko ayaa sidoo kale sheegay in amniga xadka ay Belarus la leedahay Ukraine la xoojin doono.
Mudaharaadyada ayaa galay todobaadkii lixaad waxaana dadka dibadbaxaya ay codsanayaan in madaxwayne Alexander Lukashenko uu is casilo.
Waxay xukuumadiisa ay ku eedeeyeen in dooarshadii dalkaasi ka dhacday bil ka hor ay ku shubatay.
Go’aanka madaxweyne Alexander Lukashenko ayaa ku soo aaday kaddib markii ay sii korortay cambaareynta uga imaaneysa Mareykanka iyo Midowga Yurub.
Waxa uu ku eedeeyay dalalka reer galbeedka inay faragalin ku hayaan dalka Belarus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here