Madaxweynaha dalka iyo ku xigeenkiisa oo wada hadal loogu baaqay

Waxgaradka iyo hoggaamiyaasha siyaasadeed ee gobolka Rift Valley ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto cadaadis ku saaraya inay wada hadlaan.
Labadan mas’uul ayaa loo soo jeediyay inay yeeshaan fadhi ay uga arrinsanayaan arrimaha muranka ka dhex abuuray xisbiga talada haya ee Jubilee.
Odayaasha iyo siyaasiyiinta Rift Valley ayaa hoosta ka xarriiqay in hadii labada hoggaamiye ee ugu sarreysa dalka ay kulmaan xal loo heli karo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay isbeddeladii dhawaan lagu sameeyay hoggaanka aqalka sare ee dalka.
Guddoomiyaha golaha waxgaradka gobolkaas John Seii ayaa sheegay in dalka uu wajahayo caqabado ay ka mid yihiin cudurka covid-19 , fatahaado iyo Ayax sidaas awgeedna la doonayo in kala duwanaanshaha siyaasadeed dhinac la isaga dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here