Madaxweynaha dalka iyo Raiisul Wasaaraha Japan oo kulan yeeshay

Madaxweynaha dalka mudane Uhuru Kenyaatta iyo Raiisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa ka wada hadlay barnaamijka Caymiska Caalamiga ah ee Caafimaadka ee loo soo gaabiyo (UHC).
Labadan hogaamiye ayaa ku kulmay shirka TICAD 7 oo ka dhacay magaalada Yakohoma ee wadanka Japan.
Raiisul Wasaaraha Japan ayaa sheegay inuu sii wadi doono taageerida Kenya si loo hormariyo ceymiska caafimaadka.
Waxaa uu sido kale balanqaadey Shinzo Abe in barnaamijka ceymiska caafimaadka ay ka faa’idasan doonaan 3 milyan oo qof oo ku nool qaaradda Africa.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Raiisul Wasaare Abe martigelinta TICAD 6 ee Kenya sanadkii 2016-kii isagoona sheegay in shirkaasi uu ka caawiyay kor u qaadida sumcadda dalka oo ah goob maalgashi oo laga doorto qaaradda Afrika.
Sido kale Mr Kenyatta ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres waxayna ka wada hadleen nabadda gobolka iyo amniga Bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here