Madaxweynaha dalka iyo Raila Odinga oo soo bandhigay qorshaha dhaqangelinta warbixinta BBI

Madaxweynaha dalka Mr.Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM , Raila Odinga ayaa xildhibaanada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare la wadaagay qorshaha dhaqangelinta warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
26-kii bishii hore ayay ahayd markii warbixin siyaabo kala duwan looga hadlay lagu soo bandhigay xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Mr. Kenyatta iyo Mr. Odinga ayaa siyaasiyiinta dalka oo ay kula kulmeen magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru u sheegay in uusan muran ka jirin in la qabanayo afti balse laga wada hadlaya oo keliya xilli ay dhacayso.
Wararka ayaa intaa ku daraya in la soo dhisay guddi qaabilsan isku duwidda arrimaha aftida la doonayo in wax looga beddelo dastuurka wadanka.
Waxaa muddo 30 cisho ah la uruurin doonaa hal milyan oo ah saxiixyada dadka taageersan isbeddelladan.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa lagu muddo toddobo cisho gudahood ah lagu wareejin doonaa saxiixyadan iyo hindise sharciyeedka la xiriira aftida.
IEBC ayaa haysata 30 cisho oo ay saxiixyadan ku xaqiijinayso inta u dhexeysa 10-ka bisha Diseembar ee sannadkan ilaa 10-ka bisha koowaad ee sannadka 2021-ka.
Guddiga IEBC ayaa laga doonaya in marka uu xaqiijinta dhameeyo kaddib , uu qaraarka ku saabsan aftida ku wareejiyo golayaasha hoose ee 47-da ismaamul laga billaabo 11-ka bisha Jannaayo ilaa 18-ka January ee 2021-ka.
Golayaasha ismaamullada kala duwan ayaa laga doonaya inay muddo 30 cisho gudaheed ah kaga doodaan oo ayna ku ansaxiyaan hindise sharciyeedkan laga billaabo 19-ka January ilaa 19-ka bisha labaad ee 2021-ka.
Baarlamaanka ayaa intaa kaddib muddo 45 cisho ah ku eegi doono hindise sharciyeedka aftida dastuurka loo qaadayo sidoo kalena u codeyn doono.
Inta u dhexeysa 20-ka bisha labaad iyo 5-ta bisha afaraad ee sannadka 2021-ka ayaa la qorsheeyay in hidise sharciyeedka BBI uu ka gudbo golaha xeer dejinta.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa muddo labo bilood gudahood ah laga billaabo 6-da bisha afaraad ilaa 6-da bisha lixaad ee 2021-ka afti ku qaban doono.
Ugu dambeyn sida uu qorshuhu yahay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa hal isbuuc gudihii qalinka ku duugi doono isbeddellada dastuuriga ee loo codeeyay laga billaabo 7-da bisha lixaad ilaa 14-ka Juun ee sannadka dambe xilligaas oo natiijada ka soo baxday aftida shaaca laga qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here