Madaxweynaha dalka iyo Raila oo shir kaga qeyb galaya Maraykanka

Bayaan ay soo saartay afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House, Kanze Dena Mararo ayaa lagu sheegay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu u safraya Maraykanka.
Waxaa uu ku biiraya hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee ODM Raila Odinga.
Labaduba waxay ka qeyb galayaan shirkii 68-aad ee ah mid qaran kaasoo wadanka loogu duceynaya.
Shirka ayaa la qorsheeyay inuu socdo maalmaha Arbacada iyo khamiista ee toddobaadkan taariikhduna ku beegan tahay 5 iyo 6-da bisha labaad ee sannadkan.
Mrs. Kanze Dena ayaa hoosta ka xarriiqday in madaxweynaha uu casuumaad ka helay aqalka Congress-ka ee Maraykanka.
Hal ku dhigga kulanka dalka loogu duceynaya ayaa ah dib u heshiisiin,iimaan iyo nabadeyn.
Waxaa ka qeyb galaya in ka badan 2,000 oo ah marti caalami ah oo isugu jiro hoggaamiyaal diimeed, siyaasiyiin, ganacsado iyo dibloomaasiyiin.
Kanze Dena ayaa sheegtay in madaxweyne Uhuru iyo Raila ay labaduba halkaas khudbado ka jeedin doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here