Madaxweynaha dalka Mali oo ka hadlay rabashadihii dalkiisa ka dhacay

Madaxweynaha dalka Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa sheegay inuu bilaabay baaritaan ku saabsan rabshado la sameeyay intii uu socday banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedey dowladda dalka Mali, kaasoo uu ku dhintay hal qof halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen.
Kumanaan kun ayaa isugu soo baxay magaalada caasimada ah ee Bamako si ay uga codsadaan inuu iscasili madaxeweynaha Mali Mr Keita isagoo ay ku eedeynayaan inuu wax ka qaban waayay arimaha amaanka ee mudada dheer qaadatay , dhibaatooyinka dhaqaalaha iyo in dowladiisa ay ka jirto musuqmaasuq.
Banaanbaxayaasha wadanka Galbeedka Africa ayaa sababay inay hawada ka baxdo xilli ay dibadbaxyo ballaaran ka dhacayeen magaalada Bamako.
Ciidamada booliska ayaa rasaas iyo suntan dadka ka ilmaysiisa u adeegsaday dibadbaxayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here