Madaxweynaha dalka Maraykanka oo amray in werraro cirka lagu qaado iiraan balse ka laabtay go’aankiisa

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump , ayaa amar ku bixiyay in weeraro xagga cirka ah lagu qaado Iiraan, balse go’aankaas si lama filaan ah uga laabtay markii ay diyaaradihii duqeynta fulin lahaa ay hawada galeen, sidoo kalena maraakiibta ay isu diyaariyeen hawlgalka.
Lama oga sababta ka dambeysa go’aanka madaxweynaha, balse wararka aya sheegayo in go’aankiisa joojinta duqeynta aysan la qabin xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo iyo la taliyaha amniga John Bolton.
Arrintan ayaa imaaneysa xili shalay Iiraan ay soo ridday diyaarad kuwa wax basaasa ah oo uu Maraykanka leeyahay.
Dhanka kale dowladda iiraan faahfaahin ka bixisay tallaabadii shalay ay ku soo ridday diyaarad laga leeyahay Maraykanka iyadoo sheegtay in xukuumadda Washington ay ku howlantahay waxaa ay ugu yeertay daandaansi aan geed loogu soo gabban.
Iiraan ayaa intaasi ku dartay in diyaaradda la soo riday ay ahayd mid halis ah.
Hasa ahaate Maraykanka ayaa tallaabada Tehraan ku micneeyay weerar aan loo dulqaadan Karin oo lagu hayo hawada caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here