Madaxweynaha dalka o tacsi u diray qareen can ah oo geeriyooday

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaanta ayaa tacsi u diray qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday qareen iyo ganacsade can ahaa oo lagu magacabai jiray Karanja Kabage kaasi oo ku dhintay shil gaari.
Sida laga soo xigtay asxaabtiisa iyo qoyskiisa, qareenka ayaa ku dhintay isbitaalka Nairobi kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray shil uu ku galay xaafada Karen ee magaaladatan Nairobi.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo safar ku jooga wadanka Tanzania ayaa sheegay in Kenya ay lumisay qof khibrad leh gaar ahaan qaybta caymiska.
Mr Kabage ayaa ah qof khibrad u leh caymiska isagoona soo ahaan jiray agaasimaha shirkadda Reinsurance African iyo First Limited Reacurance Brokers Limited

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here