Madaxweynaha dalka oo 50 bilyan u ballanqaaday ismaamullada

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ballanqaaday in miisaaniyad sannadeedka 2021/2022-ka dowlad deegaanada wadanka ay heli doonaan 50 bilyan oo shilin oo dheeraad ah.
Hasa ahaate waxaa uu carrabka ku adkeeyay in bixinta lacagtan lagu saleyn doono heerka kobaca dhaqaale ee dalka.
Mr. Kenyatta ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House kulan kula qaatay hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee ODM Raila Odinga , guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada dalka ee CoG Wycliffe Oparanya iyo hoggaanka aqalka sare.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xusay in ismaamullada oo dhaqaale dheeraad ah lagu wareejiyo ay qayb ka tahay istaraatiijiyadda lagu xoojinayo nidaamka dowlad wadaajinta.
Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale senatarrada ugu baaqay inay sida ugu dakhsiyaha u xalliyaan nidaamka saddexaad ee dowlad deegaanada ay ku qaybsanayaan dakhliga ee muranka dhaliyay si looga hor tago inay hakad galaan adeegyda loo fidiyo shacabka ku nool ismaamullada kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here