Madaxweynaha dalka oo 6 sharci saxiixay

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa qalinka ku duugay hindise sharciyeed dhan 6 oo ay u gudbiyeen baarlamaanka iyo aqalka sare.
Sharciyadan ayaa waxaa ka mid ah maareynta lacagaha dadweynaha, maareynta musiibooyinka qaran , isbeddel lagu sameeyay sharciga dowlad deegaannada ee 2017-kii, sharciga xeer ilaaliyaasha ismaamullada , habraaca dacwadaha loo gudbiyo golayaasha hoose ee ismaamullada.
Bishii lixaad ee sannadkan ayay ahayd markii hoggaamiyaha dalka uu saxiixay sharciga miisaaniyad sannadeedka 2020/2021-ka .
Isbeddellada lagu sameeyay sharciga maaliyadda waxaa ka mid ah inaan wax canshuur ah laga qaadin dakhliga ka soo xaroodo iibka galeyda iyo burka muddo 6 bilood ah.
Madasha lagu saxiixay sharciyadan waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha golaha xeer dejinta Mr. Justin Muturi iyo dhigiisa aqalka sare Mr.Ken Lusaka.
Waxaa sido kale daarta Harambee House oo uu madaxweynaha sharciyadan ku ansaxiyay ku sugnaa hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka senate-ka Samuel Poghisio, dhigiisa baarlamaanka Amos Kimunya iyo ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada dalka ,Njee Muturi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here