Madaxweynaha dalka oo amarro soo saaray

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo maanta jeedinaya khudbadiisa 11-aad tan iyo markii cudurka COVID19 lagu arkay gudaha dalka bishii saddexaad ee sannadkan ayaa amarradan soo saaray.
Hay’adaha qaabilsan dambi baarista ayuu ku amray inay muddo 21 cisho ah ku soo gabagabeeyaan fadeexadda lacagaha looga lunsaday maamulka KEMSA.
Bandowga habeenkii dalka ka jiro waxaa uu ku kordhiyay 30 cisho oo dheeraad ah.
Baararka iyo goobaha lagu caweeyo ayaa sii xirnaan doono 30 cisho oo kale.
Waxaa uu kordhiyay tirada dadka ee aroosyada iyo aaska ka qayb geli karo oo laga dhigay 100.
Maqaayadaha iyo goobaha lagu cunteeyo oo horay la xiri jiray 7-da fiidnimo ayaa laga billaabo 27-ka bishan la xiri doonaa 8-da fiidnimo.
Waxaa uu sheegay in iyadoo uu jiro cudurka COVID19 inuu dhaqaalaha wadanka kobcay boqolkiiba 4.6.
Waxaa meesha laga saaray go’aankii horay loogu mamnuucay ka ganacsiga dharka hudheyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here