Madaxweynaha dalka oo amray in dib u eegis lagu sameeyo hannaanka canshuuraha

Waxaa isbeddel lagu sameyn doonaa canshuurta laga qaado ganacsatada yaryar kaddib amar shalay ka soo baxay hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha ayaa wasaaradda maaliyadda iyo maamulka canshuuraha ee KRA ka dalbaday inay ku dadaalaan sidii loo yareyn lahaa culeyska saaran gacansatada ku howlan soo dhicinta qutul maalmeedka qoysaskooda.
Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale sheegay in kobaca dhaqaale ee dalka uunan gaarsiisnayn heerkii laga doonayay hasa ahaate la doonayo in la dhimo canshuurta ay bixiyaan mulkiilayaasha meheradaha loo yaqaano SMEs si faaiido dhaqaale oo ay ku farxaan ay u helaan.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku dhuftay in maamulka talada haya ee Jubilee uu ka dhabeynayo ballanqaadyadii xilligii ololihii doorashada oo ay ka mid ahayd sare u qaadidda wax soo saarka.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in la qaadayo tallaabooyin ku aaddan sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha ku hor gudban in Kenyaanka ay muujiyaan kartidooda dhanka ganacsiga.
Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah in la fududeyo qaabka looga ganacsado gudaha wadanka haddii ay tahay helidda lacagaha amaahda , ilaalinta danaha macaamiisha iyo dardargelinta geedisocodka oggolaanshaha shaqo.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo horay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu xariga uga jaray barnaamij lagu maalgelinayo ganacsiyada yaryar kaasoo loogu magacdaray STAWI.
Amarka madaxweynaha waxaa qeyb ka ah in wasaaradda maaliyadda iyo waaxda garsoorka ay ka wada shaqeyaan sidii qarashaadka la xiriira arrimaha maxkamadda looga cafin lahaa dadka uu ka dhexeyo muran dhanka hantida uu qiimaheedu ka hooseeyo hal milyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here