Madaxweynaha dalka oo amray in hoos loo dhigo calanka wadanka si xushmad loogu muujiyo madaxweynihii Burundi

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa soo saaray amar madaxweyne oo ku aaddan in dhexda la geeyo calanka wadanka .
Waxaa uu xusay in tani qadarin loogu muujinaya madaxweynihii dalka Burundi ee dhawaan geeriyooday Mr. Pierre Nkurunziza.
Mr. Kenyatta ayaa dhigiisi Burundi ku tilmaamay shakhsi kaalin weyn ka soo qaatay horumarinta wadamada bariga Afrika iyo xoojinta isdhexgalkooda.
Sido kale waxaa uu sheegay in calanka Kenya ee hoos loo dhigaya lagu garab istaagaya shacabka Burundi iyo guud ahaan bariga Afrika oo baroordiiq ku jiro.
Amarka madaxweynaha ayaa dhaqangalaya aroornimada berri oo sabti ah wuxuuna shaqeynayaan ilaa gabbal dhaca maalinka Nkurunziza la aasaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here