Madaxweynaha dalka oo amray in la baaro kiisaska faraxumeynta gabdhaha

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa amar ku bixiyay in la baaro falalka xadgudubyada ee ku saleysan jinsiyadda iyo tacaddiga loo gaysto haweenka.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa sheegay in tan iyo markii cudurka COVID19 lagu arkay gudaha dalka ay wax laga xumaado tahay inay kordheen kiisaska faraxumeynta gabdhaha yaryar .
Mr. Kenyatta ayaa sheegay inaan marnaba la ogolaan Karin in gabdho badan ay xilli hore uur qaadaan wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dowladda ay tallaabada ku haboon ka qaadi doonto cid kasta oo arrintan mas’uuliyadeeda leh.
Maamullada ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo hay’adaha diimeed ayuu ka codsaday inay kaalin ka qaataan sidii dhibaatooyinkan loo soo afjari lahaa.
Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhawaan laba gabdhood lagu faraxumeeyay ismaamullada Wajeer iyo Mandera ee gobolka waqooyi bari.
Waxaa ka sii horeysay in warbixin la soo saaray lagu sheegay in 4000 oo gabdhood ay uur ku qaadeen gudaha ismaamulka Machakos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here