Madaxweynaha dalka oo amray in la baaro sababta keentay isbuurashada ardayda Kakamega

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa amar ku bixiyay in baaritaano qoto dheer lagu sameeyo isbuurashadii ka dhacday dugsiga hoose dhexe ee Kakamega ee galbeedka dalka halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 14 arday ah .
Waxay sido kale dhaawacyo soo gaareen ilaa 39 kale oo dheeraad ah.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Facebook-ga madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House, ayaa lagu shaaciyay amarka ka soo baxay hoggaamiyaha wadanka.
Sido kale Mr.Kenyatta ayaa tacsi u diray qoysaska ardaydaas isagoo dhanka kale caafimaad degdeg ah u rajeeyay kuwa dhaawacmay.
Madaxweynaha ayaa xusay inay qasab tahay in la ogaado sababta rasmiga ee ka dambeysay dhacdadaasi nasiib darrada ahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here