Madaxweynaha dalka oo amray in tallaabo adag laga qaado cidii aan u hoggaansamin bandowga habeenkii

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa soo saaray amar ah in ciidamada ammaanka ay tallaabo adag ka qaadaan qof kasta oo bannaanka lagu arko wixii ka dambeeya 9-ka fiidnimo hadii uunan ka mid ahayn shakhsiyaadka bixiya adeegyada muhiimka ah.
Mr. Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday inay khasab tahay in cid kasta ay si buuxda ugu hoggaansanto amarradda iyo talooyinka dowladda ee lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19.
Hoggaamiyaasha siyaasadeed ayuu uga digay inay jabiyaan amarka la xiriira bandowga xilliga habeenkii wadanka ka jiro.
Waxaa uu madaxweynaha hoosta ka xarriiqay inaynan jirin cid sharciga ka sarreysa oo aan lala xisaabtami Karin.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii senetarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja oo xilli dambe la qabtay la soo taagay maxkamadda ka hor inta aan lagu siidayn damiin lacageed oo dhan 15,000 oo shilin.
Madaxweynaha ayaa xusay in hadii xaaladda ay sii xumaato dowladda ay soo rogi doonto tallaabooyin adag oo dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here