Madaxweynaha dalka oo Arbacada khudbad ka jeedin doono shirka golaha guud ee QM

Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa sheegtay in hoggaamiyaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta uu maalinka Arbacada ee toddobaadkan khudbad ka jeedin doono kal fadhigga 74-aad ee golaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Shirka (UNGA 74) ayaa 17-kii bishan sagalaad ka furmay magaalada New York ee Maraykanka.
Arrimaha la filayo in madaxweyne Kenyatta uu soo hadal qaado waxaa ka mid ah barnaamijka helidda adeegyo caafimaad oo dhameystiran ee UHC , amniga iyo kheyraadka ka soo xaroodo badda.
Mr. Kenyatta ayuu qorshuhu yahay inta uu halkaasi ku sugan yahay inuu kulamo laba geesood ah la yeesho madax kala duwan iyo kooxaha sida gaarka ah u daneeya Kenya ee ku nool Maraykanka.
Waxaa bayaanka madaxtooyada lagu xusay in Mr. Kenyatta uu saaka oo isniin ah kulan la qaadan doono xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr. Antonio Guterres ka hor inta uunan ka qeyb gelin doodaha ku aaddan isbeddelka ku yimaado cimilada , barnaamijka caafimaad ee (UHC), la dagaalanka argagixisada iyo maareynta dhaqaalaha laga helo badaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here