Madaxweynaha dalka oo baaq u diray ganacsatada Faransiiska

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay ganacsatada dalka France inay maalgashikooda u doortaan dalkani Kenya.
Waxaa uuna u balan qaaday in dowladda dalka ay taagerro weyn siin doonto.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaa uu sheegay in maalgashatada France ee Nairobi ay sii kordhayaan taas oo kor u qaadi karto dhaqaalaha dalka.
Mr Kenyatta oo booqasho u tagay wadanka France ayaa waxaa uu madaxweynaha dalkaas Emmanuel Macron la yeeshay kulan ay uga wada hadalyeen arrimaha ganacsiga iyo arrimo kale.
Labadaas mas’uul waxaa ay kala saxiixdeen heshiisyo dhawr ah oo ka dhan ah iskaashiga labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here