Madaxweynaha dalka oo baaq u diray maalgashatada Botswana

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maalgashatada u dhashay wadanka Botswana u soo jeediyay inay gudaha dalka ka furtaan xarumo ganacsi.
Waxaa uu kula taliyay inay ka faaiideystaan fursadaha dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee jira.
Mr. Kenyatta ayaa ganacsatada shisheeye u xaqiijiyay inay jawi deggan oo sinnaan iyo caddaalad ay ku dheehan tahay ay ku shaqeysanayaan.
Madaxweynaha ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu madaxtooyada State House ee magaaladatani Nairobi uu kula kulmay dhigiisa Botswana Mokgweetsi Masisi.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sida loo sii xoojin karo iskaashiga dhanka ganacsiga ee ka dhexeya wadamada ay hoggaamiyaan.
Dhanka kale waxaa kulan laba geesood ah oo looga hadlay daryeelka caafimaad ee ay u baahan yihiin haweenka iyo carruurta , wada qaatay marwada koobaad ee dalka Mrs. Margaret Kenyatta iyo dhigeeda Botswana Neo Jane Masisi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here