Madaxweynaha dalka oo baaq u diray siyaasiyiinta

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa siyaasiyiinta ugu baaqay inay diiradda saaraan wax u qabashada shacabka soo doortay iyo horumarinta noloshooda.
Waxaa uu uga digay inay mudnaanta koobaad siiyaan danaha iyaga u gaarka ah.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay in madaxda la soo doortay iyo kuwa xilalka kala duwan loo magacaabay oo si daacadnimo ay ku dheehan tahay ugu adeego bulshada ay wadanka u horseedayso horumar wax ku ool ah.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in hoggaamiyaasha laga doonayo inay mar kasta ka shaqeyaan danaha dadweynaha ay matalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here