Madaxweynaha dalka oo balanqaaday inuu fulin doono balanqaadyo

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in waddooyiin ay ku kacayaan balaayiin shillin laga dhisi doono ismaamulada Kilifi, Mombasa iyo Kwale.
Waddooyiinkan uu balanqaaday madaxweynaha dalka ayaa waxa ay isku xiri doonaan dowlad deegaanadaas.
Mr Kenyatta ayaa sheegay in dhismaha waddooyiinka Malindi iyo Sala Gate, Baricho Bridge iyo Marafa iyo Mariakani iyo Mavueni ay wanaajin doonaan dhaqaalaha deegaanada.
Waxaa uu a sheegay in dowladiisa ay fulin doonto balanqaadyadii ay shacabka Kenyaanka ah u samaysay ka hor doorashadii 2017-kii.
Hoggaamiyaha ugu sareeya ee dalka ayaa ka dhawaajiyay in hadafka diiradda la saari doono waddooyiin isku xiri doona magaalooyiinka ismaamulada dalka.
Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay gudoomiyaasha dowlad deegaanada Kilifi Amason Kingi iyo barasaabka Mombasa Ali Hassan Joho wasiirada gaadiidka James Macharia, xoghayaha maamulka dhulalka Gideon Mung’aro, wakiilka haweenka Kilifi Gertrude Mbeyu iyo saraakiisha ugu saraysa dowladda dalka..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here