Madaxweynaha dalka oo ballanqaad u sameeyay ganacsatada

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ballanqaaday in xal loo helayo caqabadaha ku hor gudban ganacsiyada yaryar.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulka talada haya ee Jubilee uu ku howlan yahay sidii dowladda ay taageero buuxda ugu fidin lahayd shirkadaha gaarka ah.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in la sii wadi doono soo saaridda xeerar aan wax u dhimeyn ganacsiga .
Dhanka kale waxaa uu maalqabeenada ingiriiska ku booriyay inay ka faaiidaystaan fursadaha jira.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in la fududeeyay qaabka looga ganacsado gudaha wadanka.
Kenya ayuu carrabka ku dhuftay inay tahay wadanka saddexaad ee qaaradda Afrika ee dhanka maalgashiga lagu soo hirto.
Hadalkan ayuu madaxweynaha jeediyay xilli uu magaalada London kaga qeyb galay dood ku saabsaneyd wanaajinta xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya boqortooyada Ingiriiska iyo dalalka qaaradda Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here