Madaxweynaha dalka oo beesha caalamka ugu baaqay in wax laga qabto cuduro ay duumada ka mid tahay

Madaxweynaha dalka Mr.Uhuru Kenyatta ayaa dowladaha wadamada kala duwan ee caalamka u soo jeediyay in la tacaalidda cudurka COVID19 aan lagaga mashquulin wax ka qabashada xanuunada kale sida duumada , dabeysha, qaaxada iyo AIDS-ka.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in dadaallada la geliyay iyo guulaha laga gaaray la tacaalidda coronavirus la doonayo in lagula dagaalamo cudurada kale ee saameynta ku haya qaaradda Afrika.
Madaxweynaha oo hadalkan jeediyay xilli uu ku sugnaa madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ayaa hoosta ka xarriiqay in kastoo coronavirus uu caqabad ku noqday caalamka haddana ay lagama maarmaan tahay in aan la fududeysan halista duumada iyo dabeysha.
Mr. Kenyatta ayaa farriintan diray xilli uu ka qayb galay kulan online ah oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Bill and Melinda Gates Foundation oo looga hadlayay cirib tirka malaariyada.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here