Madaxweynaha dalka oo berri ka qeyb galaya xuska madax bannaanida Jamaica

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu galinka dambe ee maanta gaaro magaala madaxda wadanka Jamaica ee Kingston si uu berri oo talaado ah halkaasi kaga qeyb galo munaasabad loogu dabaaldegayo 57 sano oo ka soo wareegatay xilligii dalkaasi uu xornimada qaatay.
Booqasho afar maalmood ah ayuu Mr. Kenyatta ku joogi doonaa Jamaica.
Madaxweynaha dalka ayaa wax yar kaddib saqdii dhexe ee xalay ka duulay wadanka.
Isaga iyo ra’iisul wasaaraha Jamaica ,Andrew Holness oo marti qaaday ayaa ka wada hadli doono arrimo dhowr ah oo ku aaddan iskaashiga ka dhexeya dalalka ay hoggaamiyaan.
Shaqaalaha safaaradda Kenya ee dalka Jamaica oo uu hoggaaminayo ambasadoor Anthony Muchiri ayaa saaka yeeshay kulankii ugu dambeeyay ee ku aaddan safarka madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here