Madaxweynaha dalka oo berri shir guddoomin doono kulan online ah

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu berri guddoomiyo shir qaab online ah u dhacaya.
Kulankan ayaa ku saabsan cudurka COVID19 waxaana ka qayb galaya saamileyda caafimaadka.
Ajeendaha shirka ayaa ah in qiimeyn lagu sameeyo sida ay Kenya kaga falcelisay coronavirus iyo in la dejiyo qorsho wax ku ool ah oo la adeegsan karo mustaqbalka si dalka uu kaga soo kabto saameynta cudurka.
Golaha guddoomiyaasha ismaamullada ee(CoG) ayaa berri fursad u helaya inay faahfaahin ka bixiyaan waxyaabaha u hirgalay dowlad deegaanada.
Kiisaska coronavirus ee dalka ayaa hadda isku celcelis ahaan ah boqolkiiba 8.
Guddoomiyaha CoG ahna barasaabka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa sido kale soo bandhigi doono caqabadaha ismaamullada ka haysta yareynta faafidda caabuqa.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa gudaha dalka laga diiwaangelinayay wax ka yar 300 oo xaaladood oo COVID19 ah.
Tirada guud ee kiisaska cudurka ee ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay gudaha wadanka ayaa ah 33, 794 COVID-19 , waxaa gudaha Kenya cudurka ugu dhintay 572 qof halka 19,590 ay ka caafimaadeen.
Kulanka berri waxaa sido kale hadalo ka jeedin doono wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe , dhigiisa dowlad wadaajinta Eugene Wamalwa, wasiirka waxbarashada Prof. George Magoha, safiirka Kenya ee dalka Japan Horie Ryoichi iyo wakiilka hay’adda caafimaadka adduunka WHO ee dalka Rudi Eggers.
Shirka ayaa lagu wadaa inay sido kale ka qayb galaan afhayeenka waaxda qaran ee adeegga booliska Charles Owino, agaasimaha fulinta ee hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha Amnesty International laanteeda Kenya ,Irungu Houghton madaxa fulinta ee hay’adda AMREF ee Afrika Githinji Gitahi , wakiilka Kenya ee hay’adda (UNDP) Walid Badawi iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa khudbadii uu jeediyay 26-kii bishan ku sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee ay ka go’an tahay dib u soo noleynta dhaqaalaha wadanka ee ay saameynta ka soo gaartay cudurka COVID19.
Dhanka kale wararka naga soo gaaraya ismaamulka Kisumu ayaa sheegaya in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu maanta tagaya dowlad deegaankaas si uu u kormeero dayactir lagu sameeyay dekadda Kisumu .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here