Madaxweynaha dalka oo bogaadiyay horumar laga gaaray muran la xiriira webiga Nile

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa soo dhaweeyay horumar lagu tallaabsaday oo ku saabsan xallinta muranka u dhexeya wadamada Suudaan , Masar iyo Itoobiya .
Murankan oo in muddo ah soo jiray ayaa ku saleysan isticmaalka biyaha webiga Nile.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in dhexdhexaadinta ay garwadeenka ka ahayd midowga Afrika ay u muuqato mid lagu guulaysan doono.
Waxaa uu intaa ku daray in horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray wada hadallada ay caddeyn u tahay in Afrika ay xal u heli karto caqabadaha ka jiro.
Madaxweynaha dalka ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu ka qeyb galay kulan online ah oo uu soo qabanqaabiyay dhigiisa Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in Kenya ay taageerayso xal u helidda khilaafka u dhexeya saddexda wadan oo uu dhanka kale ku ammaanay sida ay kaga go’an tahay in la gaaro xal waara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here